U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyeeyay shacabka Galmudug, kuna ammaanay doorashadii nabadda ku dhacday

Luuliyo 30, 2026

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug, kadib markii si nabad ah ay uga qabsoontay doorashadii ka dhacday deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay doorashadaasi guul taariikhi ah oo muujisay biseyl siyaasadeed iyo horumar dhinaca dimuqraadiyadda ah, isagoo sheegay in shacabka Galmudug ay muujiyeen masuuliyad, wadajir iyo kalsooni.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay madaxda Galmudug, Guddiga Doorashooyinka, hay’adaha amniga, ururrada siyaasadda iyo dhammaan shacabka kaalintii ay ka qaateen qabsoomidda doorashada iyo sugidda amniga.

Madaxweynaha ayaa xusay in odayaasha, hooyooyinka iyo dhallinyarada ay si sharaf iyo ilbaxnimo leh uga qayb qaateen doorashada, isla markaana qaar badan oo ka mid ah ay markii ugu horreysay codkooda ku dhiibteen doorasho toos ah.

Wuxuu sheegay in tani ay caddeyn u tahay sida ay bulshada Soomaaliyeed uga go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo in codka muwaadinku noqdo saldhigga hoggaanka dalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay ururrada siyaasadda ee ka qayb galay ololaha doorashada, isagoo sheegay inay muujiyeen tartan nabdoon oo ku dhisan is-ixtiraam, u hoggaansanaanta sharciga iyo ilaalinta midnimada bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo celinta xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin inay si xor iyo xalaal ah u doortaan hoggaankooda, isagoo adkeeyay in codka shacabka uu yahay tiirka dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo horumarka Soomaaliya.