U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha wasiirada oo uu Gudoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Luuliyo 30, 2026

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaanno kala duwan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab jab xooggan, islamarkaana lagu xaqiijiyey guulo dhanka amniga ah.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka diiwaangelinta iyo sharciyeynta ganacsiyada dalka.

Dhanka kale, Golaha ayaa meelmariyey Heshiis Is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha diinta iyo wacyigelinta bulshada.