Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay Shir-Madaxeedka Labaad ee Waddamada ciidamadooda ka qeyb qaata Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ku soo bandhigay guulaha la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in guulahaas ay ku yimaadeen dadaalka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo garab istaagga saaxiibbada caalamka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista taageerada caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni Soomaaliya ka hanaqaadda.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan howlgalka AUSSOM, dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada iyo taageeridda dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo amni iyo dowladnimo waarta.