Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo si weyn uga hadlay arrimo siyaasadeed, amni, dastuur, doorashooyin iyo duulaanka maamulka Yahuuda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay adeegsanayso awoodda iyo xeeladaha siyaasadeed ee ay haysato si looga hortago in Israa’iil ay Somaliland ku yeelato saameyn joogto ah.
Wuxuu xusay in arrintan ay dowladda si gaar ah uga shaqeynayso.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay madaxda iyo masuuliyiinta dowladda, isagoo sheegay in haddii masuul dowladeed lagu xiro dal kale isaga oo wata baasaboorka Soomaaliya, xilka laga qaadi doono.
“Masuulkii dowladeed ee dal kale ee uu baasaboorkiisa sito lagu xiro, isla xilligaas ayaan xilka ka qaadeynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka siyaasadda gudaha, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka Soomaaliya ay khibrad iyo waayo-aragnimo ka kororsadeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland, isagoo sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo dadaallada mucaaradka.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan oggolaan doonin in odayaasha mucaaradka ay sameystaan heshiisyo uu ku tilmaamay kuwo aan dhab ahayn, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka 11-aad ay u harsan yihiin laba kalfadhi oo Dastuuri ah, taas oo qeyb ka ah geeddi-socodka lagu dhammaystirayo hawlaha baarlamaanka.
Arrimaha amniga, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay awood ciidan oo ay isku filnaan karto, isagoo ka hadlay bixitaanka ama hoos u dhaca ciidamada Afrika ee howlgalka Soomaaliya iyo baahida loo qabo in dalka uu si tartiib ah ula wareego mas’uuliyadda amniga.
Dhanka waxbarashada, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xilligan dowladda ay leedahay hal jaamacad oo lacag la’aan ah, taas oo ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse uu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la furo jaamacad kale oo dowladda leedahay, taas oo tirada jaamacadaha dowladda ee lacag la’aanta ah ka dhigi doonta laba.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa kusoo beegantay xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu galay kalfadhigiisa cusub, iyadoo dalka ay ka socdaan dooddo siyaasadeed oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka, amniga iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadda.