Magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa gashay marxalad cusub oo siyaasadeed, iyadoo shacabka deegaanku ay codkooda ku dooranayaan xubnaha golaha deegaanka iyo baarlamaanka Galmudug, kaddib markii magaalada laga xoreeyay Al-Shabaab sanadkii 2023.
Xaradheere ayaa muddo ku dhow 15 sano ahayd mid ka mid ah fariisimihii ugu waaweynaa ee Al-Shabaab, halkaas oo shacabka lagu soo rogi jiray canshuuro sharci darro ah, xayiraado dhaqdhaqaaq, caburin iyo askareyn khasab ah.
Bishii Janaayo 2023 ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helayay ciidamada deegaanka dib ula wareegeen magaalada, taasoo soo afjartay sannado badan oo ay kooxdu ka talinaysay.
Doorashada ka socota magaalada ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah dib u soo celinta dowladnimada iyo in shacabka ay si xor ah u doortaan hoggaankooda, halkii go’aannada looga qaadan lahaa cabsi iyo qasab.
Khubarada amniga iyo maamulka ayaa sheegaya in guusha dagaalka aan lagu qiimeyn oo keliya deegaannada laga qabsado Al-Shabaab, balse sidoo kale lagu cabbiro sida adeegyada dowladda dib loogu soo celiyo, shacabka loogu suurtageliyo waxbarashada, ganacsiga, caddaaladda iyo doorashooyinka.
Sidoo kale waxaa la xusay in dib u dhiska Xaradheere laga hirgeliyay mashaariic ay ka mid yihiin xarunta golaha deegaanka, saldhigga booliiska iyo adeegyo kale oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu qiyaasay malaayiin doollar.
Shacabka Xaradheere ayaa lagu ammaanay adkeysiga iyo kaalinta ay ka qaateen dib u dhiska magaalada, iyadoo doorashadan lagu tilmaamay astaan muujinaysa in deegaanku ka gudbay xilligii rasaasta una tallaabay hannaan ku dhisan cod iyo doorasho.