U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka

Ogoosto 10, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaddib markii maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u doorteen xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaanadu siiyeen, isagoo u rajeeyay inuu si hufan, masuuliyad iyo daacadnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hoggaaminta Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda Golaha Shacabka uu u leeyahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo tilmaamay doorka Golaha ee sharci-dejinta, matalaadda shacabka iyo xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Guddoomiyaha cusub ugu baaqay inuu Golaha Shacabka ku hoggaamiyo si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, isagoo mudnaanta siinaya midnimada, wada-tashiga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Doorashada Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kusoo beegmaysa xilli Golaha Shacabka uu wajahayo howlo muhiim ah oo la xiriira sharci-dejinta iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u rajeeyay Guddoomiyaha cusub guul iyo inuu si wanaagsan uga soo baxo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.