Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad sharaf ah oo lagu maamuusay xildhibaannada iyo hoggaanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay Baarlamaanka hadda jira, isaga oo isbarbardhig ku sameeyay xaaladdii iyo hab-dhaqankii baarlamaannadii hore iyo sida uu sheegay in Golaha Shacabka maanta u shaqeeyo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in baarlamaannadii hore mararka qaar ay ka dhex dhici jireen buuq iyo is-qabqabsi, iyadoo doodaha qaarkood ay gaari jireen heer qalabka baarlamaanka iyo miisaska shaqada la waxyeelleeyo.
Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka maanta uu kaga duwan yahay kuwii hore in xildhibaannadu ay xoogga saarayaan doodaha iyo shaqada sharci-dejinta, gaar ahaan arrimaha khuseeya shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Shacabka ay horyaallaan masuuliyado muhiim ah inta ka harsan muddada xilka, gaar ahaan arrimaha la xiriira geeddi-socodka siyaasadeed, doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Wuxuu hambalyo iyo bogaadin gaar ah u jeediyay hoggaanka Golaha Shacabka iyo xildhibaannada, isaga oo tilmaamay in xilka ay hayaan uu yahay mas’uuliyad culus oo ku saabsan mustaqbalka dalka iyo wax ka qabashada caqabadaha horyaalla Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsanayso horumar dhinacyo badan leh, gaar ahaan diblomaasiyadda, dowlad-dhiska iyo soo kabashada hay’adaha qaranka.
Xasan Sheekh ayaa qiray in dunidu ay xilligan wajahayo caqabado iyo dhibaatooyin badan, balse uu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad soo kabasho ah, isla markaana ay horay uga gudubtay dhibaatooyin badan oo muddo dheer dalka ka jiray.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay yeeshaan aragtiyo kala duwan, isla markaana ay si xor ah uga hadlaan arrimaha dalka.
Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan doonayn inay dadka ku qasabto hal aragti, balse ay muhiimadda siinayso sidii loo mideyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, loo xoojin lahaa wadajirka qaranka, loona abuuri lahaa jawi siyaasadeed oo ay dadka Soomaaliyeed ku wada shaqeyn karaan.
Hadallada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo doodaha ku saabsan mustaqbalka nidaamka doorashooyinka, xisbiyada siyaasadeed iyo hannaanka dowlad-dhiska ay ka mid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee siyaasadda dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ku boorriyay Baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda inay sii xoojiyaan shaqada u adeegidda shacabka, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka Soomaaliya.