Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada, iyadoo ay qaabileen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-geli doono munaasabad lagu soo xirayo tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta uu ku sugan yahay Galmudug, Madaxweynaha ayaa sidoo kale daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanada dowlad-goboleedka, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, isagoo dhageysan doona aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan amniga, dowlad-dhiska, horumarka iyo mustaqbalka dalka.