U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tababar U Soo Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Ogoosto 16, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu soo gabagabeynayay tababarka ciidamada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kale.

Ciidamadii tababarka soo dhameystay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar, iyagoo muujiyay xirfadaha iyo aqoonta ay heleen intii uu socday tababarku.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo xoogga lagu saarayo sare u qaadista awoodda, anshaxa iyo diyaargarowga ciidamada si ay uga qeyb qaataan waajibaadka amniga iyo difaaca dalka.