Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, isagoo qeyb ka ah safar uu ku marayo deegaanada Galmudug, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladaha amniga, xasilloonida iyo nolosha bulshada.
Madaxweynaha waxaa safarka ku wehliya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, waxaana magaalada Galinsoor si weyn ugu soo dhaweeyay boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka oo safaf dhaadheer u galay soo dhaweynta wafdiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan iyo is-dhexgal la sameeyay bulshada reer Galinsoor, isagoo markii dambe goob fagaare ah kula hadlay shacabka magaalada.
Khudbaddiisa, Madaxweynaha ayaa bulshada ugu baaqay inay xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, amniga iyo wada noolaanshaha, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Galinsoor noqoto deegaan ammaan ah oo ay si walaaltinimo iyo is-ixtiraam leh ugu wada noolaan karaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanka wada dega.
Safarka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka ay xoogga saarayso xoojinta amniga iyo la macaamilka bulshada, iyadoo booqashooyinka deegaanada ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu fahmayo baahiyaha shacabka iyo xaaladda guud ee deegaannada.