Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay haatan ka jirto xaalad nabadgelyo oo wanaagsan, isagoo bogaadiyey dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo horumarka magaalada.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi khudbad ka jeediyey, isagoo ka hadlay isbeddelka amni iyo horumar ee magaalada iyo dadaallada bulshada iyo maamulka deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu Gaalkacyo booqday qiyaastii 20 sano ka hor, xilligaas oo uu sheegay in magaalada ay wajahaysay duruufo adag, xitaa helitaanka biyo nadiif ahna uu ahaa caqabad, hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in maanta magaalada laga dareemayo horumar iyo xasillooni ka duwan xaaladdii hore.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u ammaanay maamulka iyo shacabka Gaalkacyo, isagoo sheegay inay dadaal muuqda ku bixiyeen sugidda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Waxa uu sidoo kale xusay in Gaalkacyo ay tahay hal magaalo, balse duruufihii amni iyo siyaasadeed ee soo maray ay muddo dheer magaalada u ekaysiiyeen laba qaybood oo kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda la dareemayo isu-soo-dhawaansho iyo in magaalada ay si tartiib ah ugu soo laabanayso midnimadeeda.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la xoojiyo nabadda, wadajirka iyo iskaashiga bulshada, si Gaalkacyo ay uga faa’iidaysato fursadaha horumarineed ee ka jira dalka, loona sii adkeeyo amniga iyo xasilloonida magaalada.