Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay xarunta Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia), halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo masuuliyiinta hawlgalka.
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo taageerada Midowga Yurub uu siinayo Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka.
Safiirka ayaa xaqiijiyay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono wada-shaqeynta dhow ee uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in taageerada Midowga Yurub ay qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo mudnaanta amni ee dowladda Soomaaliya.
EUTM Somalia ayaa muddo sanado ah kaalin ka qaadanayay tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo taageerada Midowga Yurub ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhisayo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay si madax-bannaan u gutaan waajibaadkooda amni.
Booqashada safiirka cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo sidii masuuliyadda amniga dalka loogu sii wareejin lahaa ciidamada Soomaaliyeed.
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo ay kamid yihiin amniga, tababarka ciidamada, horumarinta hay’adaha iyo xoojinta awoodda dowladda, iyadoo labada dhinac ay muddo dheer lahaayeen iskaashi dhinacyo badan taabanaya.