ADDIS ABABA (Goobjoog News)— Dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa ku sii fidaya gobolka Canfarta, iyadoo xoogagga Tigrayga iyo kooxaha Canfarta ee la safan ay u dhaqaaqayaan dhanka waddooyinka isku xira Addis Ababa iyo Jabuuti.
Dhaqdhaqaaqan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalku halis geliyo marinka ugu muhiimsan ganacsiga Itoobiya.
Xoogagga mucaaradka ayaa la sheegay inay qabsadeen Erebti iyo Abala, iyagoo u sii dhaqaaqaya dhanka Afdeera.
Waddada ay ku socdaan waxay ku xirmaysaa jidka weyn ee Itoobiya iyo Jabuuti meel u dhow Semera, caasimadda gobolka Canfarta, inkastoo marinka ganacsigu uu weli furan yahay.
Qiyaastii 95% ganacsiga dibadda Itoobiya ayaa mara Jabuuti, waxaana jidkan laga soo gudbiyaa shidaalka, cuntada, qalabka warshadaha iyo badeecadaha kale ee dalkaas muhiimka u ah. Carqalad ku timaadda marinkaasi waxay Itoobiya gelin kartaa cadaadis dhaqaale, waxayna xoogagga mucaaradka siin kartaa awood ay ku cadaadiyaan dowladdda.
Warbixinnada qaarkood waxay ku qiimeeyeen in ujeeddada dhaq-dhaqaaqa bari ay tahay in la gooyo sahayda ka timaadda Jabuuti, balse weli lama soo bandhigin qorshe hawlgal oo rasmi ah oo arrintaas caddeynaya. Dowladda Itoobiya ayaa la filayaa inay si adag u difaacdo jidkan, maadaama uu yahay halbowlaha dhaqaalaha dalka iyo isku xirka Addis Ababa iyo dekedaha Jabuuti.
Xiisadda ayaa sidoo kale yeelanaysa muuqaal goboleed. Dowladda Itoobiya waxay Eritrea, Masar iyo Suudaan ku eedeysay inay taageerayaan kooxaha hubeysan, halka dalalkaas ay diideen eedeymaha. Is-eedeymahan ayaa kordhinaya khatarta ah in dagaalka gudaha Itoobiya uu isu beddelo loollan ay dowlado shisheeye dhinacyo kala duwan ku taageerayaan.
Soomaaliya, carqalad ku timaadda marinka Itoobiya iyo Jabuuti waxay saameyn ku yeelan kartaa qiimaha shidaalka, cuntada iyo gaadiidka badeecadaha ee Geeska Afrika. Dagaal daba dheeraada wuxuu sidoo kale Itoobiya ku qasbi karaa inay ciidankeeda iyo dadaalkeeda diblomaasiyadeed ka leexiso Soomaaliya, xilli ay door muhiim ah ku leedahay amniga gobolka.
Dagaallada Canfarta ayaa durba sababay barakac ballaaran, iyadoo warbixinnadu sheegayaan in ku dhowaad 150,000 qof ay ka hayaameen deegaannadooda.
Fiditaanka colaadda wuxuu kordhin karaa qulqulka dadka u gudbaya Jabuuti iyo waddamada kale ee deriska ah, isagoo culays hor leh saaraya adeegyada bani’aadannimo iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.