U bood dhigaalka

Afrika oo dalbanaysa kuraas joogto ah Golaha Ammaanka ah, balse dib-u-habayntu weli caqabad ku tahay

Sebteembar 26, 2026

Dalalka Afrika ayaa mar kale xoogga saaray baahida loo qabo in dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo dalbanaya in qaaradda la siiyo ugu yaraan laba kursi oo joogto ah iyo shan kursi oo aan joogto ahayn.

Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli uu socdo Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo dalalka Afrika ay ku doodayaan in qaab-dhismeedka Golaha Ammaanka uusan si ku filan uga tarjumaynin xaqiiqada siyaasadeed iyo juqraafiyeed ee dunida maanta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna mar kale ku baaqay in Golaha Ammaanka dib loo habeeyo si uu u noqdo mid matalaad ahaan ka tarjumaya xaaladda maanta jirta.

Golaha Ammaanka wuxuu ka kooban yahay 15 xubnood, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin xubno joogto ah oo kala ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday.

Shantan dal waxay leeyihiin awoodda veto-ga, taas oo u oggolaanaysa mid kasta inuu hor istaago qaraar muhiim ah oo Golaha Ammaanku doonayo inuu ansixiyo.

Afrika ayaa muddo dheer ka cabanaysay in iyadoo qaaraddu si weyn uga dhex muuqato ajandayaasha Golaha Ammaanka, haddana aysan lahayn wax kursi joogto ah. Sanadkii 2025, Golaha Ammaanku wuxuu ansixiyay 44 qaraar, waxaana 24 ka mid ah lagu saleeyay Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira cunaqabateyn iyo tallaabooyin lagu qaado xaaladaha khatarta ku ah nabadda iyo amniga caalamka.

18 ka mid ah 24-kaas qaraar waxay khuseeyeen Afrika, taasoo muujinaysa sida weyn ee qaaraddu uga dhex muuqato shaqada Golaha Ammaanka.

Madaxweyne Bola Tinubu oo hadalkiisa Golaha Guud uu jeediyay Madaxweyne-ku-xigeenka Nigeria Kashim Shettima ayaa sheegay in Afrika ay u baahan tahay ugu yaraan laba kursi oo joogto ah oo leh dhammaan xuquuqda iyo waajibaadka xubinnimada joogtada ah, oo ay ku jirto awoodda veto-ga inta awooddaasi weli jirto.

Nigeria waxay sidoo kale dalbatay shan kursi oo aan joogto ahayn oo Afrika loogu kordhiyo Golaha Ammaanka.

Madaxweynaha Ghana John Mahama ayaa isna taageeray baaqa Afrika, isagoo sheegay in dib-u-habaynta Golaha Ammaanku aysan ahayn arrin Afrika loogu samafalayo, balse ay muhiim u tahay sharciyadda, kalsoonida iyo sii jiritaanka Qaramada Midoobay.

Dib-u-habaynta Golaha Ammaanka ayaa muddo dheer socotay, balse heshiis laga gaaro qodobada ugu muhiimsan ayaa weli adkaaday, ayadoo golaha Guud uu sanadkii 2008 bilaabay wada-hadallada u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo diiradda saaraya tirada xubnaha Golaha, qaybinta kuraasta joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn, matalaadda gobollada iyo mustaqbalka awoodda veto-ga. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadalladaasi weli ma aysan dhalin heshiis wax ka beddela qaab-dhismeedka Golaha.

Caqabadda ugu  weyn ayaa ah in wax ka beddelka xubinnimada joogtada ah uu u baahan yahay in wax laga beddelo Axdiga Qaramada Midoobay, Sida ku cad Qodobka 108, wax-ka-beddelka wuxuu u baahan yahay ansixinta laba-meelood saddex meel Golaha Guud.

Haddaba shanta dal ee hadda haysta kuraasta joogtada ah waxay door rasmi ah ku leeyihiin go’aan kasta oo lagu beddelayo nidaamka Golaha.

Nigeria ayaa si gaar ah u doonaysa in ay ka mid noqoto dalalka Afrika ee heli kara kursi joogto ah haddii dib-u-habayntu hirgasho, ayadoo Masar iyo Koonfur Afrika ay sidoo kale hore u muujiyeen danayn ku saabsan matalaad joogto ah.

Midowga Afrika weli ma magacaabin dalal gaar ah oo qaadanaya kuraasta la doonayo, waxaana Mowqifka guud ee Midowga Afrika uu yahay in qaaraddu hesho ugu yaraan laba kursi oo joogto ah iyo shan kursi oo aan joogto ahayn, iyadoo Midowga Afrika uu go’aaminayo dalalka matalaya qaaradda.

Arrinta ugu adag ayaa sidoo kale ah awoodda veto-ga, ayadoo mowqifka loo yaqaan Ezulwini Consensus ee Midowga Afrika uu dhigayo in haddii Afrika hesho kuraas joogto ah, xubnaha Afrika ay yeeshaan xuquuq iyo awood la mid ah kuwa xubnaha joogtada ah ee hadda jira, oo ay ku jirto veto-ga inta nidaamka veto-gu sii jiro.

Dalalka Afrika waxay ku doodaan in haddii kuraas joogto ah la siiyo balse aan la siin awood la mid ah tan shanta xubnood ee hadda jira, aysan si buuxda u saxaynaynin farqiga ay ka cabanayaan.

Professor Ibrahim Gambari, oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Nigeria iyo wakiilkii joogtada ahaa ee Nigeria u fadhiyay Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta ay adkeynayso in Afrika ay si buuxda uga qaybqaadato go’aamada caalamiga ah ee saameeya qaaradda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hawlgallada nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee Afrika ay ku shaqeeyaan mandaatyo uu Golaha Ammaanku ansixiyo, taasoo sii xoojinaysa doodda ah in Afrika ay u baahan tahay cod joogto ah oo awood leh.

Doodda ayaa sidoo kale taageero ka heshay qaar kamid ah dhalinyarada Afrika, ayadoo Favour Aniezi, oo ah Nigerian u dooda arrimaha dhalinyarada, ay sheegtay in arrintu aysan ku koobnayn in Afrika lagu casuumo miiska wada-hadalka, balse ay muhiim tahay in qaaraddu yeelato awood ay ku saameyso go’aamada laga gaarayo arrimaha sida tooska ah u saameeya.

Inkasta oo dalalka Afrika ay si joogto ah ugu baaqayaan dib-u-habayn, haddana su’aalaha ugu muhiimsan ayaa weli jawaab la’aan ah, waxaana weli la isku hayaa tirada kuraasta cusub, dalalka Afrika ee qaadan doona kuraastaas, awoodda veto-ga iyo in shanta xubnood ee hadda joogtada ah ay oggolaan doonaan isbeddelka.