U bood dhigaalka

Soomaalida oo Saameyn sii kordheysa ku yeelanaysa siyaasadda Itoobiya

Oktoobar 8, 2026

Soomaalida ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday siyaasadda iyo maamulka sare ee dalka Itoobiya, iyadoo xubno Soomaali ah ay qabteen xilal muhiim ah oo ka tirsan Jagooyinka dowladda federaalka Itoobiya.

Mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ayaa ahayd markii Axmed Shide loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, kaddib markii loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhisay xukuumaddiisa cusub, iyadoo Soomaalida Itoobiya ay ka heshay xil wasiirnimo oo muhiim ah, kaas oo qeyb ka ah hoggaanka dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Addis Ababa.

Waxaa sidoo kale soo baxaya magacyo Soomaali ah oo loo saadaalinayo inay gaaraan xilal sare oo siyaasadeed, iyadoo Aadan Faarax lagu wado inuu kamid noqon karo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya ee Itoobiya.

Itoobiya waa dal ay ku nool yihiin qowmiyado badan, sidaas darteed ka mid noqoshada Soomaalida ee xilalka sare ee dowladda federaalka ayaa ah arrin si gaar ah looga hadal hayo gudaha bulshada Soomaaliyeed ee Itoobiya.