U bood dhigaalka

Khilaafka Madaxda Waqooyi Bari oo sii Xoogeysanaya

Oktoobar 7, 2026

Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), ayaa maalmahan sii xoogeysanaya, iyadoo muranka labada mas’uul uu saameyn ku yeeshay xiriirkooda siyaasadeed iyo shaqada Baarlamaanka maamulka.

Xogaha ayaa sheegaya in khilaafku uu salka ku hayo kala aragti duwanaansho ku saabsan maamulka hay’adaha, awoodaha dastuuriga ah iyo heerka talo-wadaagga u dhexeeya Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Xiisadda ayaa si weyn loo dareemay kadib markii Madaxweyne Firdhiye uu magaalada Laascaanood ku soo laabtay, kaddib muddo ka badan 50 maalmood oo uu safar ku joogay magaalada Muqdisho.

Firdhiye ayaa Laascaanood loogu sameeyay soo dhaweyn ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan maamulka, saraakiil ciidan, isimmo iyo qeybaha bulshada, balse waxaa goobta ka maqnaa Madaxweyne ku-xigeenka Abwaan.

Warbaahinta gudaha ayaa maqnaanshihiisa la xiriirisay khilaafka labada mas’uul, ayadoo
Mid ka mid ah arrimaha la sheegay inuu khilaafka sii huriyay ayaa tahay magacaabista taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo warbixinno gudaha ahi ay sheegayaan in Madaxweyne ku-xigeenka aan lagala tashan magacaabista taliyaha oo kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Khilaafkan ayaa saameyn ku yeeshay Baarlamaanka Waqooyi Bari, iyadoo xildhibaannada lagu soo warramayo inay u kala jabeen taageerayaasha labada dhinac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanno taageersan Madaxweyne Firdhiye ay wadaan qorshe la xiriira xasaanadda Madaxweyne ku-xigeenka Abwaan, xilli kalfadhiyadii Baarlamaanka qaarkood ay dib u dhaceen iyadoo ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Abwaan ayaa saacado ka hor qoraal uu baraha bulshada ku baahiyay kaga hadlay hadal-haynta khilaafka.

Inkastoo uusan si faahfaahsan u shaacin qodobada ay isku hayaan Madaxweynaha, haddana qoraalkiisa waxaa laga fahmay inuu ka jawaabayo eedeymo ay jeedinayaan dhinacyada taageersan Firdhiye, isagoo sheegay inuu weli ku taagan yahay mowqifkiisa ku aaddan jiritaanka iyo midnimada Maamulka Waqooyi Bari.

Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli Waqooyi Bari uu yahay maamul cusub oo curdun ah, kaas oo la dhisay kadib isbeddelladii siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran.