U bood dhigaalka

Xulka Soomaaliya ee U17 oo u Soo Baxay Finalka Tartanka CECAFA

Oktoobar 18, 2026

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka tartanka CECAFA U17 ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2026, kaddib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen xulka Rwanda.

Xulka da’yarta Soomaaliya ee loo yaqaan Ocean Stars ayaa guushan ku gaaray ciyaar adag oo ka tirsanayd wareegga afar-dhammaadka tartanka, taas oo waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbarro 1-1 ah.

Soomaaliya ayaa ugu dambayn 5-4 kaga adkaatay Rwanda, kaddib markii labada xul ay u gudbeen gool-ku-laadyo.

Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar ay ka muuqatay xirfad, isku xirnaan iyo adkaysi, taas oo u suurtagelisay inay ka gudbaan caqabaddii Rwanda, isla markaana ay xaqiijiyaan booskooda kulanka kama dambaysta ah ee tartanka.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa ammaan u jeediyay ciyaartoyda xulka qaranka, iyagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo geesinimada ay muujiyeen, iyo sida ay u difaaceen sharafta iyo sumcadda calanka Soomaaliyeed.

Xulka Soomaaliya ayaa hore ugu guuleystay tartankan sannadkii 2022, waxaana hadda u harsan hal kulan oo keliya si ay mar kale ugu guuleystaan koobka.

Soomaaliya ayaa kulanka finalka ee la qorsheeyay 19-ka Oktoobar la ciyaari doonta dhiggeeda Uganda, iyadoo labada xul ay u tartami doonaan hanashada horyaalka da’yarta ee CECAFA U17.

Guusha ay Soomaaliya ka gaartay Rwanda ayaa xulka u furtay fursad uu mar kale taariikh uga sameyn karo tartanka, iyadoo taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan kulanka kama dambaysta ah iyo rajada ah in koobku mar kale ku soo laabto Soomaaliya.