U bood dhigaalka

5 Maalin Kadib Dhacdadii Bariire, Meydadka Weli Lama Aasin

Sheeko:Dalka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ehellada dadkii lagu dilay Bariire, meydadkii weli lama aasin, iyaga oo la sugaya natiijada baaritaanka dowladda federaalka ah.

“Nimankii falka ka dambeeyay oo la xukumo ayaa meydadka lagu aasi” sidaa waxaa Goobjoog News ku yiri, mid ka mid ah ehellada.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ay dowladdu u xilsaartay arrinta Bariire ayaa Isniintii bilaabay wadahadalo ay la yeelanayaan oday dhaqameedyada ka soo jeeda dadkii lagu diley Bariire iyaga oo sidoo kale booqday deegaanka dadka lagu dilay.

Berri oo arbaco ah ayaa la filayaa in ay guddiga uu hoggaaminayo wasiirka amniga ay natiijada baaritaanka hor-dhiggaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre.

Goobjoog News