U bood dhigaalka

5 Sabab Oo Loo Hakiyay Doorashada Aqalka Hoose Ee Somaliland, Musuq Iyo Wax Isdaba-Marin Ayaa Ku Jira

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal ayaa hakiyay doorashooyinka aqalka hoose ee Somaliland kadib markii jimcihii goobta doorashada ka dhacay shaqaaqo iyo arrin lagu tilmaamay wax isdaba marin.

Doorashada Jimcaha dhacday waxaa lagu tartamayey kuraas-ta kala ah: 2 kursi oo Habar Jecelo ah, 2 Kursi oo Ciida-Gale ah iyo hal kursi oo Muuse Dheri ah.

Guddiga doorashooyinka heer federal oo Goobjoog News la hadlay waxaa sheegeen dhowr sababood oo ku qasabtay in ay istaajiyaan doorashada aqalka hoose ee Somaliland.

Ergo Cusub Oo Goobta Lagu Qoray: guddiga doorashada heer federal waxaa ay sheegeen in Odoyaal dhaqameed-ka la afduubay, la qoray ergo cusub oo aaney raali aheyn jufooyinka beelaha.

Murashaxiin Doorashada Loo Diiday: Murashax Shahaado heysta oo ka tirsan beelaha Muuse Dhari oo loo diiday in uu tartamo, isla markaana odayga laga saxiixay in aanu tartami Karin.

(FEIT) Xubnaheeda Oo Hoolka Laga Ceyriyay: Xubnaha guddiga doorashada dadban ee heer federal  oo loo diiday doorashada, lagana saaray Hoolka.

Korjoogayaasha Oo La Diiday: Korjoogayaasha sida Warfaafinta iyo hey’adihii kale oo loo diiday in ay goobta doorashada joogaan.

Rabshado Ayaa Meesha Ka Dhacay: Dibax-bax arrintaas lagu diidan yahay oo meesha ka dhacay kadib, waxaa la xiray qaar ka tirsan ergada doorashada.

Dadka goobta tagay, waxaa ay cabasho ka keeneen dhaqan xumida guddiga doorashada Somaliland iyo qaar ka tirsan odoyaasha dhaqanka oo muuqato in ay si cad ugu tumanayaan  nidaamka doorashada iyo saami-qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Arrimahaas kadib, guddoomiyaha guddiga doorashada dadban Cumar waxaa uu go’aan ku gaaray in hakiyo doorashada aqalka hoose ee Somaliland iyo in lagu laabto doorashadii Jimacaha dhacday.

6 3 4

Goobjoog News