U bood dhigaalka

58 Hay’ad Oo Maraykanka Ka Codsaday In La Cunoqabateeyo Mas’uuliyiinta Myanmar

Sheeko:Dalka

58 ka tirsan hay’adaha xaquuqul insaanka ayaa waxay ugu baaqeen xukuumadda washinton inay cunnoqabateyn ku soo rogaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Hay’adahaan ayaa waxay ku eedeeyeen mas’uuliyiintaan inay lug ku leeyihiin dambiyo lala beegsaday muslimiinta Rohingya kuwaas oo ku sugan gobolka Rakhine ee waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Baaqaan ay hay’adaha u jeediyeen dowladda mareykanka ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli la filayo inuu booqasho ku tago bishaan gudaheeda wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson dalka Myanmar.

Hay’adahaan u dooda xaquuqda aadanaha ayaa dhanka kale baaq u diray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo mida keydka mareykanka si uu ugu socdo maamulka Trump in la soo afjaro ku tumashada bani’aadanimo ee ka jira Myanmar.

Ciidamada Myanmar ayaa waxay bilaabeen olole milatari oo ka dhan ah dadka Rohingya dabayaaqadii bishii ogoosto ee tagtay,taasi oo keentay dhimasho badan halka ku dhawaad 800 kun oo qof ay u barakiciyeen dalka Bangladesh.

Qaramada midoobay ayaa ku tilmaantay waxyaabaha ay ku dhaqmayaan madaxda dalka Myanmar inay tahay isir sifeyn ka dhan ah muslimiinta Rohingya.