U bood dhigaalka

Liiska Xildhibaannada Cusub Ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay doorashada lix Xildhibaan oo gobolkaas u matali doonta baarlamaanka federaalka ah.

Jubbaland waxaa ay ilaa iyo hadda doorteen 32 Xildhibaan, waxaana lagu sugayaa 39 Xildhibaan, sidaasi darteed, Jubbaland waa maamulkii ugu horeeyay ee tiro intaa la eg lagu doorto:

Liiska Xildhibaannada Cusub:

Kursiga 1aad: Liibaan Osman Abdirahman 51, Xasan Elmi Guure 0 Cod

Kursiga 2aad: Abbaas Cabdulahi S. Siraaje 42, Maxamud Cabdi Xassan 8 cod,

Kursiga 3aad: Abdi Ali Xasan 34 cod, Cabdulahi Aden 10 cod, Cabdukadir Maxamed Aden 7 cod.

Kursiga 4aad:Cabdi Casis Cabdilahi Maxamed oo helay 51 ayaa ka guuleystay  Barre Cali Calas.

Kursiga 5aad: Maxamed Diriye Khalif 26 oo helay ayaa ka guuleystay Cabdiraxman Cabdi Cusmaan oo helay 25 cod

Kursiga 6aad: Cali Maxamed Muse oo helay 35 cod ayaa ka guuleystay  Cali Xasan Guyow oo helay 16