U bood dhigaalka

8 Musharrax Oo Maanta Jeedin Doona Khudbadahooda (Magacyada)

Sheeko:Dalka

Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay khudbadahooda ka dhageystaan illaa Sideed musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharraxiintan ayaa xiildhibaannada u jeedin doona barnaamijkooda siyaasadeed iyo shaqsi walbo waxa uu doonayo in lagu doorto.

Musharraxiinta maanta khudbeyn doona ayaa kala ah:

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid Cabdullaahi Deni
  7. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed

Sida ku xusan jadwalka khudbadaha musharraxiinta waxaa sii harsanaan doonta Labo maalin oo la dhageysan doono musharraxiinta, iyadoo maalinta Axada ah lasoo gabgabeyn doono dhageysiga khudbadaha.

8-da bishan February ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo xilkaasi ay ku tartami doonaan 24 musharrax.

Goobjoog News