U bood dhigaalka

Aamin Ambulance Oo Joojinaya Shaqada

Sheeko:Caafimaadka

Gaadiidka Gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in ay joojinayaan shaqada ay hayaan iyaga oo taas ku micneeyay dhaqaalo la’aan soo wajahday.

Gaadiidka Aamin ambulance ayaa shaqeynayay muddo ku dhow 10-sano waxaa ayna qaadeen mudada ay shaqeynayeen ku dhowaad 30 kun oo dhaawacyo ah kuwaasi oo ay geeyeen goobaha Caafimaadka sida uu u sheegay Goobjoog News Dr.C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadan oo ah Madaxa gaadiidkan.

“Waxaa cabsi laga qabaa adeeggii in uu istaago, balse ma istaagayo waan wadeynaa inta aan dhibicda ugu dambeysa ee dhiigga aan u shubeyno cabsida ugu weyn ayay waxay tahay adeeggan sidee ayuu ku sii socon karaa”.

Dr C/qaadir ayaa sheegay in adeeggan Aamin Ambulance uu u baahanyahay Maskax iyo muruq si uu u sii socdo mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.

“ Adeeggan waxaa uu u baahanyahay Muruq Maal iyo Maskax si loo sii joogteeyo shaqada uu u hayo bulshada Soomaaliyeed, markaan bilaabeynay annaga ayaa isku tashaneynay jeebkeenna ayaa ku tashaneynay”.

Dadka isticmaala adeegga gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambulance ayaa batay waana sababta keentay in shaqada ay istaagto maadaama aysan heysan taageero dowladeed iyo mid hay’adeed intaba.

Goobjoog News