U bood dhigaalka

Abukaate Xalane “Weli Ma Aragno Isbedal Garsoorka Ah”

Sheeko:Dalka

Abukaate Cali Xalane oo wareysi siiyey Goobjoog, ayaa sheegay in weli dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aanay wax isbedal ah ku sameyn arrinta garsoorka, wixii ka dambeeyay ballantii madaxweynaha ee ahayd in 90 cisho uu wax kaga qabanayo arrimahaasi.

Waxa uu sheegay Abukaataha in xilligan muhiim ay ahayd in cadaaladda wax badan laga qabto, maadaama shacabka ay u baahan yihiin garsoor la isku halayn karo.

Xalane ayaa sheegay in marka madaxda ay doonayaan iney qabtaan xilalka dalka ugu sarreeya ay sheegaan iney wax badan ka qabanayaan arrimaha Garsoorka, balse siyaasado kale ay ku mashquulaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Marka hore waxaa haboon in la fiiriyo heerka uu marayo garsoorka dalka iyo madax banaanida garsoorka, muhiim ayeey ahayd markii ay madaxweynayaasha sameynayeen ololahooda, kulli waa ay kusoo wada dareen iney cadaaladda ay wax ka qabanayaaan markii ay ku guuleystaan booska madaxweyne-nimada, nasiib darro in howlihii kale ee siyaasadda lagu mashquulo, taasina ay keento in la gaari waayo ama balantii lala galay shacabka in dib looga dhacay, taasi waxay keeneysaa in isbedalladii dhacay iyo nidaamkiii dowladihii KMG iyo middii Federaalka tan aan hadda joogno iyo middii ka horreysay waxaa caqbad ka taagnaa shaqooyinkooda maamul iyo shaqooyinkoodii howleedka maalintii la rabay in la dhameystito waxaa caqabad ku ahaa cadaalad darooyinka is dabajoogga ahaa ee dhacayay, kuwaasi oo inta badan dusha uga dhacayey dadka aadka u nugul, dadkaasi iyaga ahaa waa markii la rabay in maamulka la sameeyo iyaga lagu tartamayay, waxay taasi keentay markii madaxweynaha qabsaday 90 cisho oo uu sheegay inuu sameynayo isbedal dhanka cadaaladda ah weli waan u fadhinnaa oo wax isbedal muuqda oo ku dhacay garsoorkii weli malahan” ayuu yiri abukaataha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u balanqaadey in uu sameyn doono isbedal dhanka Garsoorka ah muddo 90 cisho ah, balse weli ma jirto isbedal muuqda oo arrintaasi ku saabsan.

Goobjoog News