U bood dhigaalka

Afeey Oo Ka Hadlay Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen

Sheeko:Dalka

Madaxa UNHCR u qaabilsan qaxootiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Afey ayaa ka digey marxaladaha ay wajahayaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Afeey oo booqdey qaxootiga ku nool Yemen ayaa ayaa sheegay in loo baahaan yahay in qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan loo raadiyo xal, iyagoo sidoo kale 21-kii bil ee lasoo dhaafey ku hoos noolaa dhibaatooyinkii ka dhacay dalkaasi.

Waxa uu Afey ugu baaqey beesha caalamka in ay fiiro gaar ah u yeelato xaaladda qaxotiga Soomaaliyeed ee kusii xumeenysa dalka Yemen.

Sidoo kale Mr Afey ayaa carabka ku adkeeyey in hay’addiisa wada shaqeyn dhow la yeelan doonta madaxda Yemen, si loo xaqiijiyo difaaca iyo wax u qabashada qaxootiga.

“Soomaalida ku nool Yemen waxaa haysta dhibaato lamid ah midka haysta kuwa ku barakacay dalka gudahiisa” ayuu yiri

Yemen waxaa ku sugan qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 150 kun, kuwaas oo marar badan waxyeello kasoo gaartey duqeymaha ka dhacaya dalkaasi, waxaana badankooda ay ku noolyihiin magaalada Sanca.

Goobjoog News