U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Hawada Ka Saartey Isgaarsiinta Degmooyin Ka Tirsan Mudug

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in hawada ay ka saartay isgaarsiinta qaar kamid ah degmooyinka gobolka Mudug, gaar ahaan kuwo ku  yaalla Koonfurta gobolkaasi.

Shalay gelinkii dambe illaa maanta oo Khamiis ah waxaan isgaarsiin ka jirin degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere, kadib xiisado dagaal oo halkaasi ka jira.

Tani ayaa saameyn ku yeelatay dadkii ku noolaa degmooyinkaasi, waxaana jirin dedaallo muuqda oo isgaarsiinta dib loogu soo celinayo hawada.

Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa todobaadkaan gudahiisa waxay ku dagaallameen deegaanno ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalladii ka dhacay gobolka Mudug waxay sababeen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Al-shabaab ayaa isku dayey in dadka deegaanka ay ka qaadaan wax ay ku sheegeen Sako, hase ahaatee dadka ayaa arrintaasi kahor yimid, kadibna dagaal ayaa halkaasi ka billowday.

Goobjoog News