U bood dhigaalka

Amnesty International Oo Eedeysay Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Kenya waxay ku eedeysay in qaxootiga Soomaaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ay ku qasbeyso iney ku laabtaan dalkooda.

Waxa ay hay’adda sheegtay in saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay dadka qaxootiga ah u sheegeen in si awood ah looga rari doono xeryahaasi haddii aaney si iskood ah u guurin inta aaney bishan dhammaan.

Amnesty ayaa Qaramada Midoobey sidoo kale ku eedeysay in iyaduna aaney dadka u sheegin qatarta ka jirta Soomaaliya iyo in ciriiri badan uu ka jiro dhanka maciishadda oo muhiim u ah nolosha dadkaasi.

Dadka ku sugan xeryaha Dhadhaab qaarkood ayaa u xaqiijiyey hay’addan in culeysyo badan ay kala kulmaan dowladda Kenya, mar walbana lagu dayo in qasab lagu raro.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay iney xiri doonto xeryaha qaxootiga Dhadhaab, inkastoo hadane ay go’aankaasi dib ka bedashay.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ku kala aragti duwan arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku sugan, waxaana qaarkood ay sheegaan in guud ahaan qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celin doono.

Goobjoog News