1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Faahfaahinno dheeraad ah oo ka baxaya Dab xooggan oo qabsaday meherado ku yaalla Suuq-bacaad Wararka laga helo Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaanno suuq-bacaad, kuna yaalla degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in dab xooggani uu qabsaday xarumo ganacsi oo halkaas ku yaalla, kuwaas oo burbur lixaad lihi soo gaaray.
1 daqiiqo Sheeko:Aragti Dowladaha Carabta oo guul Taariikhi ah u arka in guddoomiyaha Midowga Afrika iyo ku xigeenkiisuba ay ka soo jeedaan dalalka Jaamacadda Carabta Dalalka Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyay in markii ugu horresay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ku xigeenkiisuba ay noqdeen laba qof oo ka soo jeeda dowladaha jamacadda Carabta
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Dowladda Kenya oo markii ugu horresay ka hadashay safarkii Madaxweynaha Jubbaland uu dhowaan ku tagey dalkeeda Dowladda Kenya ayaa markii ugu horresay faahfaahin ka bixisay safarkii uu madaxweynaha maamulka Jubbaland dhowaan ku tagey magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeymo lala eegtay kooxda Daacish ee gobolka Bari Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay iskaashadeen ciidanka Mareykanka ee Africom lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Daacish ee gobolka Bari.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Cali guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka? Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 48 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku yaalla Mali Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay burburka goob dahabka laga godo oo ku taalla dalka Mali ee galbeedka Afrika, sida laga soo xigtay booliska
2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Kenya oo si weyn u kordhisay qeymaha qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofiso iyo ismari-waa arrintaas ka taagan Beeraleyda qaadka Kenya ayaa joojisay Dhoofinta Jaadkii ay keeni jireen Soomaaliya ka dib markii ay dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday qiimo cusub oo lagu iibinayo dalaggaas maan-dooriyaha ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Waa kuma Imaamka u doodi jirey kooxda LGBT ee lagu diley Koonfur Afrika ? Magaalada Gqeberha ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu toogtay Muhsin Hendricks oo ahaa imaam Koonfur Afrikaan ah, sidoo kalena ahaa caalim Islaami ah oo dhaqdhaqaaqa dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ee loo yaqaanno LGBT.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Sucuudiga oo marti-gelinaya shir u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka Dowladda Sucuudiga ayaa todobaadka soo socda marti-gelin doonta shir u dhexeeya masuuliyiin sar sare oo ka kala socda dalalka Ruushka iyo Mareykanka, kaas oo hordhac u ah kulan bishan dhammaadkeeda dhex mari doona Trump iyo Putin.
2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Maxaa laga filayaa guddoomiyaha cusub ee Ururka midowga Afrika? Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti danjire Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib tartan adag oo uu la galay murashixiin ka kala socatay dalalka Kenya, Madagascar, iyo Muritaaniya.