Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir Horgeeyay eedeysane lagu magacaabo Mahad Axmed Cumar, kadib markii laga soo qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde, asagoo tahriibinaya laba qof oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Caasho Axmed Cali iyo Ayaan Xasan Cali.