Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay Saaxibadda Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Booliiska, iyadoo kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaarada Amniga Gudaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka.