Wasiiru -Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo ay weheliyaan agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee wasaaradda, iyo safiir ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mudane Martin Stein, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Heiko Nitzschke kulan soo dhoweyn ah ugu sameeyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Muqdisho.