2024
55 sano ka hor 21-kii bishii oktoobar, 1969-kii, waxaa dhacay Afgembi militari oo uu hor-kacayey taliyihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Mohamed Siyaad Barre iyo 24 sargaal oo isugu jira militari iyo booliis, kuwaas oo markii dambe la baxay magaca “Golaha sare ee Kacaanka”, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke.