Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay duufaan lagu magacaabo Shanshan oo ku dhifatay bari ee dalka Japan, iyadoo saamaysay dhul ballaaran oo ay ka da’een roobab mahiigaan ah, waxayna dhalisay dhul go’ iyo fatahaado laga cabsi qabo inay waxyeello u geystaan deegaanno boqolaal kilo mitir u jira goobta ay ka billaabatay duufaantu