1 daqiiqo Sheeko:BANNAANBAXYADA Shacabka Muqdisho oo Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Weerarkii Liido Maanta Ku Qabtay Xeebta Dibad-bax looga horjeedo qarixii lagu hoobtay ee dhowaan ka dhacay xeebta Liido ayaa hadda ka socda isla goobtaas, waxaana isugu baxay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo gobolka Banaadi.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dowladda Iran oo Garab Istaag u Muujisay Dowladda Soomaaliya Kadib Musiibadii Liido Dowladda Iran ayaa cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo sababay geerida 37 ruux iyo dhaawaca 67 kale.
1 daqiiqo Sheeko:Dhaqaalaha Dalka Wafdi Ka Socda Hey’adda Duulista Rayidka Daladda Bariga Afrika oo Soo Gaaray Muqdisho Wafdi ka socda qeybta duulista Rayidka ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada Bariga Afrika ayaa soo gaaray Magaala madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana si heer sare ah u soo soo dhaweeyey masuuliyiin.
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab Magaalada Boosaaso Hubkii Ugu Badnaa Lagu Soo Qabtay Kadib Howlgal Ciidanka PMPF ay Fuliyeen Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado xiriir la leh Shabaab iyo Daacish.
1 daqiiqo Sheeko:Dhaqaalaha Dalka Ra’iisulwasaare Xamse oo Magacaabay u Qaabilsanaha Xukuumadda ee Daladda Bariga Afrika Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasime guud oo Soomaaliya u qaabilsanaan doona arrimaha ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga ee EAC.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Maxaa Diiradda Lagu Saaray Kulanka Laamaha Amniga Dowladda iyo Taliska Gobolka Banaadir? Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Boliiska Soomaaliyeed .
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Faahfaahin Kasoo Baxaysa Qarax Ka Dhacay Degmada Garasbaaley Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax dhowaan ka dhacay degmada Garasbaaleey ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in lala beegsaday gaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaa marayay.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Weerarro Toorey Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Gudaha Israel iyo Khasaare Ka Dhalatay Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar tooreey oo ka dhacay meel u dhow Tel Aviv, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay, iyadoo booliisku ay sheegeen in qof Falastiini ah oo looga shakisan yahay.
1 daqiiqo Sheeko:MAXKMAADDA GOBOLKA BANAADIR Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukin Lix Bilood oo Xarig ah Ku Ridday Gabdho Tiktok Caan ka ah Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Israel oo Weerar Diyaaradeed Ku Dishay in Ka Badan 15 Ruux oo Falastiniyiin Qaxooti ah Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo Israa’iil ay ku qaaday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku yaal bartamaha Gaza, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza.