U bood dhigaalka

Awoodaha Madaxweynaha Mareykanka Ee Siyaasadda Gudaha iyo tan Arrimaha Dibadda

Sheeko:Dalka

Doorashooyinkii maanta ka dhacay dalka Mareykana ayaa waxaa si lama filaan ah ugu guuleystay murashixii xisbiga jamhuuriga D. Trump oo meel aan la fileyn kaga soo baxay Hillary Clinton waxa uu noqday madaxweynaha 45 ee dalkaas.

Madaxweynaha Mareykanka awoodaha uu leeyahay waa maxay? Lacag itee le’eg ayaa ku baxda? Siduu u noolaanaya marka uu ka dago xilka?, si aan su’aalaha uga haqab tirno akhristayaasha Goobjoog News ayaa waxaan u soo gudbineynaa warbixinta.

Jagada Madaxweyne waxaa dastuurka Mareykanka lagu soo daray sanadkii 1787-kii, waxa uuna dhaqangalay sandkii 1789, Madaxweynaha waxaa lagu tiriyaa inu yahay qofka mas’uulka ka ah dowladda ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida.

Yaa Xaq u leh Inuu Noqdo Madaxweynaha Mareykanka?

Muwaadin kasta oo Mareykan u dhashay, dalkana ku noolaa ugu yaraan muddo 14 sanno ah, da’diisuna ay tahay 35 jir, waxaa la dooran karaa labo muddo xileed oo qura oo mid kastaa ay tahay 4sanno.

Awoodaha Madaxweynaha Mareykanka Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibadda

Madaxweynuhu waxa uu ilaaliyaa dhaqan gelinta sharciga, waxa uu magacaabayaa dhamaan xilalka kala duwan ee dowladda, waxa uu magacaabaa xubnaha maxkamadda sare isagoo la tashanaya golaha Congress-ka, taas oo ka dhigan in dadka xilalka qabanayaa loo baahan yahay in Congress-ka ay kalsooni ka helaan.

Madaxweynaha Mareykanku waxa uu cafis ka fidin karaa dambiyada laga galo Mareykanka, marka laga reebo arrimaha casilaad ku timid go’aan garsoor oo aanuu taa cafis ka fidin karin.

Amarrada ka soo baxa madaxweynaha waa waajib in la fuliyo illaa Congress-ku ay burriyaan mooyaane.

Madaxweynuhu xaq uma laha inuu bilaabo mashruuc sharci. Laakiin khudbad sanadeedkiisa uu ka horjeediyo Congress-ka oo uu kaga hadlayo xaaladda Mareykanka, taas oo uu ku soo bandhigayo hamiga ay tiigsanayo maamulkiisa, waxaa loo qaadanayaa iney barnaamij u tahay shaqo ay ka doodaan Congress-ka oo ah qeybta sharci dajinta.

Madaxweynuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu adeegsado codka diidmada qayaxan “Veto” oo uu ku diidayo sharci kasta, marka laga reebo wax ka bedelka dastuurka oo aanuu soo faragashan karin. Si Vito-ga oo hor istaagana waxa golaha Congress-ka ku waajib noqoneysa iney mar labaad cod geliyaan sharciga oo sadex meelood oo labo ay u codeyso qaanuuka si uu meel mar u noqdo. Mudadii la soo dhaafayna waxaa la ogaaday in 7-11% ay Congress-ka ka guuleysteen Vito-ga madaxweynaha.

Madaxweynaha Mareykanka xaq uma laha inuu kala diro golaha Conress-ka.

Madaxweynaha Mareykanku isagaa qaabeeya siyaasadda dibadda ee dalka Mareykanka qaabka ay noqoneyso, shirarka iyo wadahadallada dibaddana isaga ayaa si shakhsi ah uga qeyb qaadanaya amaba qof isaga wakiil ka ah ayuu u dirsanayaa, heshiisyada caalamiga ah isaga ayaa saxiixaya, safiirrada dibadda isaga ayaa qaabilaya, isaga ayaa magacaabaya safiirrada, qunsullada, wakiillada wadaxaajoodyada  Mareykanka ee dowladaha dunida u matalaya.

Awoodaha Madaxweynaha ee Dhanka Ciidanka

Madaxweynaha Mareykanku waxa uu leeyahay awoodo aan xadidneyn marka loo eegno dhanka dagaallada.

Waxa uu ammar ku bixin karaa in ciidamada qalabka sidaa ay dagaal bilaabaan dhulka dowlado kale; isagoon ku dhawaaqin xaalad dagaal, laakiin in xaalad dagaal inuu dalku galayo lagu dhawaaqo waxaa iska leh oo kaliya Congress-ka, xaaladaahaa uu madaxweyuhu inuu dagaalka sii wado loo ogolyahay oo qura muddo 60 cisho ah oo qura, marka loo baahdana waxaa loogu daraa muddo 30 cisho ah oo qura. Markaa madaxweynaha waxaa laga rabaa oo qura inuu Congress-ka siiyo warbixin uu kaga hadlayo xaaladda ee meesha ay wax u marayaan.

Go’aan madaxweyne ayaa lagu soo rogi karaa xaalad degdeg ah inuu dalku galo.

Madaxweynuhu waxa uu heegan gelin karaa marka loo baahdana uu yeeri karaa ciidanka ilaalada oo ah ciidamo u gaar ah gobollada kala duwan ee Mareykanka, waxa kale oo uu u yeeri karaa ciidamada kaydka haddii loo baahdo, si ay uga mid noqdaan ciidanka iyadoo muddo Lix bilood ah loo ogolyahay ammarkaa. Waxaa kale oo loo ogolyahay in ammarkiisa ciidamadaa uu kaga howlgalin karo dalal dibadd ah.

Madaxweynuhu waxa uu talooyin ku aaddan miisaaniyadda ciidanka u soo jeedin karaa Congress-ka, waxa uu timaami karaa waddooyinka lagu hormarin karo ciidanka, isaga ayaa magacaabaya saraakiisha sarsare ee ciidanka isagoo ka ansixinaya golaha Congress-ka, dallacsiinta ciidankana isaga ayaa xaq u leh.

Miisaaniyadda ku baxda Madaxweynaha

Madaxweynaha waxa uu qaadanayaa mushaar inta uu xukunka hayo, loomana ogola in meel kale ay wax ka soo galaan gudaha Mareykanka iyo dibadiisaba.

Mushaarka madaxweynaha waxa uu gaarayaa $400,000 (Afar Boqol oo kun oo dollar) sandkii, waxa kale oo miisaaniyadda loogu darayaa gunnooyin dheeri ah oo loo qorsheeyay lacag $50, 000(Konton Kun) oo loogu talogalay xaaladaha degdega ah, lacagtan dambe wax cashuur ah lagama jaro, laakiin murshaarkiisa cashuur ayaa laga qaadaa.

Guriga Cad oo ah Goobta uu madaxweynaha iyo qoyskiisu ku noolyahay waxaa kharashkiisa bixiya dowladda Mareykanka, waxaana sanadkii ku baxay lacag $4,000,000(Afar Milayn oo Dollar ah), ubaxyada oo kaliya ayaa lagu bixiyaa lacag gaareysa $250,000 sanadkii.

Madaxweynaha Marka Uu Xilka Ka Dago

Naaneysta ah madaxweyne wuu wadanayaa illaa inta uu ka dhimanyo marna. Marka uu xilka ka dago ka dib waxa uu helay lacago macaasha ah oo howlgab ahaan loo siinayo inta uu noolyahay, taas oo gaareysa ilaa 200 oo kun oo dollar sanadkii.

Madaxweynaha xilka ka daga iyo qoyskiisuba waxay ilaalinaya ciidanka sirdoonka, caruurtana si gaar ah ayaa loo ilaalinayaa illaa ay ka gaaraan da’da 16 jirka, xaaladaha qaar waxaa dhici karta in wakhtiga ilaalada loo kordhiyo oo muddo intaa ka badan la sii ilaaliyo.

Goobjoog News