U bood dhigaalka

Axmed Zuweil, Lataliyihii Obama Iyo Nin Horay Ugu Guuleysay Nobel Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Waxaa dalka Masar ku geeriyooday Dr. Axmed Zuweil oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nobel-ka dhanka Chimsitriga kadib xanuun muddo hayey.

Zuweil waxaa uu dhashay 1946, waxaa Jaamacadda heerka koobaad ku qaaday Masar, kadib waxaa uu deeq waxbarasho ka helay Mareykanka, waxbarsho kadib waxaa uu baaritaan badan ka sameeyay Jaamacadda California Institute of Technology (Caltech).

Dr. Axmed Zuweil waxaa uu 1999 ku guuleystay abaalmarinta Bobelka dhanka chimistariga cilmiga loo yaqaano  femtochemistry.

Caalaimkan waxaa uu qoray in ka badan 600 maqaal oo ku saabsan Cilmiga uu yaqaano, waxaa uu sidoo kale alifay ilaa 16 Book, waxaana lagu yaaqaa in uu Jaamacad ka sameeyay dalka Masar, taas oo wax ku baran jireen ardeyda aqoontooda ay sareyso.

2009-kii Obama ayaa u magacaabay Lataliyahiisa dhanka Science-ka iyo Technology, waxaa kaloo isla sanadkaas loo magacaabay ergeyga Mareykanka ee bariga dhexe.

Dalka Masar waxaa la siiyay abaalramarinta ugu sareysa ee Nile loo yaqaano, waxaa kaloo sawirkiisa lagu daabacay Farankaboolooyinka .

 

Goobjoog News