U bood dhigaalka

Baardheere: Wasiirro iyo Taliyeyaal Ciidan Jubbalad Ah Oo Bulshada la hadlaya

Sheeko:Dalka

Xubno wasiirro iyo taliyeyaal ciidan oo Jubbanad ah oo khamiistii gelinka dambe gaaray magaalada Baardheere ayaa maanta lagu wadaa in ay bilaaban kulamo kale gedisan oo ay la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Generaal Darwiish oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland,Cabdirashiid Janan oo Wasiirka Amniga ee Jubbaland, Jenaral Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha Ciidamada Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Qorashaha waa in ay la kulmaan maamulka degmada, odoyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo ciidanka xoogga iyo qaar kale.

Kooxdan oo booqasho ku maraya Gedo ayaa horay u soo maray degmada Garbahaarey iyo deegaanno kale, ujeedkana waa u kuur-gelidda xaaladaha ay ku nool-yihiin dadka gobolka.

Goobjoog News