U bood dhigaalka

Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Ku Baaqay In Dib u Eegis Lagu Sameeyo Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Midowga Yurub war uu soo saaray waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaaliya, waxaana uu ugu horreyn ku cambaareeyay cabsi gelin ballaaran oo uu sheegay iney ka jirto Soomaaliya.

Midowga Yurub waxa uu si gaar ah dhaleecayntiisa ugu fiiqay kuwo uu sheegay inay mas’uul ka yihiin weerarada qaraxyada ah ee inta badan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warbixintan uu soo saaray baarlamaanka Midowga Yurub waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay xarig la sheegay in inta badan lagula kaco xarumaha Warbaaahinta, iyadoo si gaar ah warbixintan lagula hadlay dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub waxa uu si gaaar ah maamulayaasha Soomaaaliya usoo jeediyey iney hubiyaan xaqa dadka u leeyihiin iney cabiraan fikirkooda, iyaga oo ugu baaqay hoggaanka Soomaaliya in dib u eegis ku sameeyaan hay’adaha amniga Soomaaliya.

Baarlamaanku wuxuu codsaday in la xoojiyo qaab dhismeedka ammaanka qaranka, iyo habka loo ilaaliyo muwaadiniinta.

Dhinaca kale baarlamaanka Midowga Yurub ayaa qoraalka ay soo saareen waxay ku booriyeen ciidanka Midowga Africa iyo dowladaha ay kasoo jeedaan in si dhab ah loo baaro eedeymaha kufsiga la xiriira ee loo soo jeediyo ciidamada AMISOM, waxayna codsadeen in sidoo kale cadaaladda la horkeeno ciddii ay ku cadaato inay ku kacday kufsi ama dil rayid.

Waxay sidoo kale usoo jeediyeen hay’adaha kale ee Midowga Yurub iney si dhow ula socdaa tacadiyada la sheegay in Soomaaaliya ay ka dhacaan.

Midowga Yurub Baarlamaankooda wuxuu ku taliyey in la kobciyo xirfadda hay’adaha baaritaaanka u qaabilsan Soomaaaliya.

Ugu dambeyn mudanayaasha baarlamaanka midowga Yurub waxay codsadeen in la kordhiyo xeerka ka qeybgalka siyaasadda Soomaaaliya xilligaan maadaama lagu jiro xilli kala guur ah.

Goobjoog News