U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Qalqaalinaya Sidii Go’aan Ay Uga Gaari Lahaayeen Dowladda Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulan ballaaran waxa ay ku yeesheen magaalada Garoowe, kaasi oo looga hadlay arimo ku aadan xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Waxaa hadallo kulankaasi ka jeediyay mudanayaasha baarlamaanka Puntland, iyaga oo soo jeediyay in go’aan kama dambeys ah in laga qaato dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in markaana aysan jiri doonin digniin loo jeediyo dowladda Federaalka, balse waxa la doonayo ay tahay go’aan cad oo laga qaato waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Waxaan qabaa in go’aan cad laga gaaro dowladda Federaalka, walibana aan mar kale digniin la siin, maxaa yeelay waxa ay ku tunteen dastuurkii dalka u yaallay” sidaasi waxaa yiri mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in kulankaan midka xiga looga yeerayo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa, su’aalana laga weydiiyo siyaasadda hadda ay kula shaqeeyaan dowladda Federaalka, ka dibna lasoo saaro go’aan kama dambeys ah.

Goobjoog News