U bood dhigaalka

Baarlamaanka Tunis Oo Shaqada Ka Diray Ra’iisul Wasaaraha

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka dalka Tunis ayaa shaqada ka ceriyay ra’iisul wasaaraha dalka Xabiib Cidin.

118 cod ayaa loo helay si ra’isul waaraha shaqada uga tago, waxaa laga doonayey ilaa 109 cod si loo rido, waxaa la sheegayaa in doodad xil ka qaadista la isla gaaray ilaa xilli dambe oo xalay ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka Tunis Xabiib waxaa lagu eedeeyay in aanu wax shaqo ah ka qaban xagga dhaqaalaha iyo dimoqraadiyadda iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalkaas hogaamiyey isbedellada ka dhacay carabta 2011-kii wixii ka dambeeyay.

Si ka duwan dalalka Masar, Yemen, Suuriya iyo Libya ayaa dalkaas waxaa uu ku guuleystay in laga hirgeliyo dimuqraadiyad iyo arrimo la xiriira doorashooyin dhaca.

Goobjoog News