U bood dhigaalka

Baladweyne: 5 Bil Kadib Oo Suuqayada Wax Looga Iibsanayo Lacagta Shilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Suuqayada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Shan bil kadib waxaa markii ugu horreysay wax looga iibsanayaa lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

Arrintaan ayaa timid kadib wada hadallo gacansatada iyo maamulka Hirshabeelle muddo u socday oo ugu dambeyn la isku fahmay.

Mudada la diidayey lacagta Shilin Soomaaliga ah waxaa ay dadka wax ku kala iibsanayeen lacagta doolarka Maraykanka.

Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in muddooyinkii dambe ay ciriiri gashay nolosha kumanaan qoys oo danyar ah kuwaas oo suurtagal ay tahay in mararka qaarkoodba ay soo gasho wax ka yar Hal dollar.

Wuxuu sheegay in hadda caadi uu xaalka ku soo laabtay oo suuqyada magaaladaasi laga oggalaaday inay shaqeyso lacagta shillinka Soomaaliga.

“Dedaal kadib oo maamulka gobolka Hiiraan sameeyay waxaa suurtagashay in ganacsatada ay aqbalaan iney wax ku iibsadaan lacagta Shilin Soomaaliga ah, hadda suuqayada B/weyne waa laga qaadanayaa lacagta” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Shacabka ku dhaqan B/weyne ayaa soo dhoweeyay in dib loo socod siiyo lacagta Shilin Soomaaliga oo Shan bil laga qaadan suuqyada magaaladaasi.

Goobjoog News