U bood dhigaalka

Bandowga Saaran Mandheera Oo Sameeyey Nolosha Dadka Shacabka Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa Bandow waxay kusoo rogtey magaalada Mandheera ee gobolka NFD, halkaasi oo ay ku noolyihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.

Bandowhgaan ayaa aad u saameeyey nolosha dad badan oo ku dhaqan magaaladaasi, iyadoo meesha ay ka baxday ganacsigii habeenka ee Mandheera.

Bandowgan ayaa ka bilawda 6-da Maqribno, waxaana uu ku egyahay 6-da aroornimo, waxaana dadka saaladaha Maqrib iyo Cishe ay ku tukadaan guryahooda.

Axmed Xasan waxa uu kamid ah yahay Soomaalida ku nool Mandhera, waxa uu sheegay in xilliyada habeenkii ay shaqeysan jireen, balse ay dhibaato ku noqotay bandowgaan la saaray magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in dadka qaar ay xaalad adag soo wajahday maadaama inta badan habeenkii shaqo badan ay jirtey, waxayna dadka ku qasban yihiin sida uu sheegay in guryahooda ku xaroodaan iyaga oo aan qanacsaneyn.

Dowladda Kenya oo dhowaan dib u cosbooneysiisey bandowga saaran Mandhera ayaa  ulajeedka arrintaasi waxay ku sheegtay xaqiijinta amniga guud ee magaaladaasi.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ka geysteen magaalada Mandhera, waliba iyadoo bandow uu saaran yahay ayeey Habeen kahor weerar ku qaadeen Labo Hoteel iyo Bangi ku yaalla magaaladaasi.

Goobjoog News