U bood dhigaalka

Barakac Ka Dhashay Xiisad U Dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dagaal beeleed u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayaa dib uga cusboonaaday dalkaasi, in ka badan 32 qof ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen, Khasaaraha dhimasho, dhaawac keliya ma ahee waxaa jira weliba barakac.

illaa 600 oo qof ayaa la sheegayaa in ay ka carareen goobaha uu dagaalka ka bilowday Talaadadii, In kasta oo wasiirka Communication Negeri Lencho uu leeyahay dowladda waxaa ay ku dhex jirtaa sidii loo xalin lahaa hadana waxaa uu qiray dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan waxaa uu salka ku hayaa muran xagga soohdinta ah oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, waxaana la sheegaa in arrinta ay marar badan soo noqonotay.

Hey’adaha xuquuqul Insanka ayaa baaraya khasaarihii goobta ka dhashay, dowladda dhankeeda waxaa ay leedahay waxaan soo xeri-doonnaa dadkii dhibkaasi ka dambeeyay.

Goobjoog News