U bood dhigaalka

Barakacayaal Diiddan In Laga Raro Dhul Ay Deggan Yihiin Oo Dibadbax Ka Dhigay Ex- Control Afgooye

Sheeko:Dalka

Boqolaal qof oo Barakacayaal ah ayaa maanta dibadbax waxay ka dhigeen Isgoyska Ex-control ee magaalada Muqdisho kuwaa oo diiddan ammar ay sheegeen in la siiyey oo ah inay ka baxaan dhul ay hadda deggan yihiin.

Waxay sheegeen dadkaan in ciidamo aysan ogeyn halka ay ka socdaan ay ammar ku siiyeen in muddo Saddex maalin ah dhulkaasi uga guuraan.

Xaliimo Aadan Axmed oo ka mid ah dadkii banaanbaxan dhigayey ayaa sheegtay in lagu xadgudbayo, islamarkaana iyaga oo dhibban oo aanay aqoon meel ay aadaan hadane lagu amarayo inay ka baxaan halkii ay ka dhisteeen guryaha ka sameysan cooshadaha iyo bacaha.

“Annaga ma naqaanno meel aan aadno, meeshaan ayaan dhib ku qabnay, hadane waxaa nala yiri Saddex beri uga baxa, madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha caalamka waxaan u sheegayaa in dhib aan qabno oo aan aqoon meel aan u guurno” ayeey tiri Xaliimo.

Baarakacayaashan waxaa ku jiray dad sheegay in dhawaan ay ka yimaadeen xeryaha Qaxootiga Kenya, iyagoo sheegay in dalka aysan hadda kala aqoon, islamarkaana haddii dhulkaan ku yaalla inta u dhaxeysa Dhabarka dambe ee Asluubta iyo dhulkii Keydka Dawada laga saaro aanay aqoon meel kale oo ay miciin badaan.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay maamulka degmada Dharkeenley maadaama dadka dhulka laga kicinayo uu ku yaallo degmadaasi hase ahaatee waxay ka gaabsadeen in arrinkaasi ay ka hadlaan.

Goobjoog News