U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Degmada Lambar 50 Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa walaac ka muujiyey xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin barakacayaal dhowaan soo gaarey degmadaasi.

Cali Nuur Axmed, guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Lambar 50 ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in ay aad u liidato xaaladda nololeed ee dadkan.

Wuxuu sheegay in dadkan ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, islamarkaana haatan aysan haysan Raashiin, biyo nadiif ah iyo sidoo kale hoy.

“Dadkaan waxay doonayaan gurmad dhan walbo leh, caafimaad ma jiro, cunto, biyo iyo meel ay ku hoydaan intaba, cadceedda dushooda ayeey kusoo baxdaa kuna dhacdaa, sidoo kale roobka wuu ku dul billowdaa kuna dul dhammaadaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dadkan barakacayaasha ayaa ah kuwo kasoo barakacay deegaanka Muuri oo dhowaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ay ka dhaceen.

Goobjoog News