Bashiir Goobe: Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Nabada Sugidda La’aantood Ciidan Ma Jiro
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Goobe ayaa sheegay in Ciidamada qaybaha kala duwan ay u baahan yihiin waqtigan qalabayn iyo in ay helaan Mushaarkooda.
Taliyaha asluubta Bashiir Goobe ayaa sheegay in ciidamada Dowlada dhamaantooda ay u baahan yihiin is dhaxgal si ay u xoojiyaan, shaqadooda, isagoo xusay in muhiim ay tahay in meesha laga saaro baahiyaha ay qabaan Ciidamada qalabka sida in dalka uu yeelan doono ciidamo isku filan.
Bashiir Goobe ayaa waxa uu xusay iney xilligaan muhiim tahy in la qalabeeyo ciidanka xooga dalka ayna helaan xaquuqaadka ay leeyihiin dowladda sida mushaarka iyo daryeelka.
Taliye Goobe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sigaar ah u tilmaamay ciidanka Booliska Soomaaliyeed taasoo sheegayn iney ubaahanyihiin qalabeyn.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Nabada Sugidda waxa ay ubaahanyihiin qalabeyn iyo tobabarron dhaqaaleyn ciidanka Soomaaliyeed waa ciidanka qaranka Soomaaliya hadeysan jirin ciidan qaran majiraayo”
Bashiir Goobe taliyaha asluubta ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka ay u baahanyihiin horumarin dhan walba ah si ay ugudtaan waajibaadkooda.