U bood dhigaalka

Beeraley Tababar Looga Furay Magaalada Boosaaso Ee Gobalka Bari (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BoosaasoWasaaradda Beeraha iyo Waraabka maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso Tababar uga furtay 25 qof oo beeraleey ah, kuwaa oo laga keenay deegaano ka mid ah gobalka Bari.

Tababarkaan oo socon doono muddo 60 cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideysan doono beraleydaan oo laga kala keenay degmooyinka  kala ah Isku Shuban iyo Baargaale ee Gobalka Bari, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya 5 aqoonyahan oo ka socda wasaaradda Beeraha Puntland.

Munsaabadda Tababarkaan lagu furaayay waxaa ka qeyb galay Cabdi Ismaaciil oo ah wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, isaga oo halkaasi hadal uu ka jeediyay ka sheegay uljeedka tababarkaan iyo faa’idada uu leeyahay.

“Waxaan idiin sheegi lahaa arinkaan in aanu sahlaneen, Puntland waxaa ka jira beero aad u badan, magaca Puntland waxa uu kasoo jeedaa Beeraha, waxaa jira dad leh beero maleh Puntland, arimahaan iyo hadaladaan oo idil waxaa looga gudbi karaa iyadoo lasoo bandhigo waxaaga, waxaadna tihiin fursadii Koowaad ee arintaan lagu tijaabinaaya”

Dhinaca kale wasiirka ayaa u sheegay beeraleyda tababarkaan la siinayo in ay ka faa’ideystaan oo aysan noqon aqoonta ay qaateen mid ay uga tagaan halkii lagu siiyay.

Qaar ka mid ah Beeraleydaan tababarka uu u bilawday ayaa dhankooda soo dhaweeyay tababarkaan iyaga oo sheegay in ay ka faa’ideysan doonaan mudada 60-ka cisho ah.

Mashruucaan tababarka Beeraleyda gobalka Bari waxaa gacan ka geysanaysa hay’adda FAO, iyadoo uu noqonayo kii ugu horeeyay ee loo qabto qaar ka mid ah beeraleyda ku dhaqan deegaanada maamulka Puntland.

Halkaan Hoose Ka dhageyso

Goobjoog News