U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dib U Dhaca Doorashada, Handadaadda Murashaxiita Iyo Musuqa

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saareen beesha caalamka oo ka kooban Midowga Afrika, Midowga Yurub,  IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ka walaacsan yihiin Musuq-maasuqa la sheegayo doorashada Soomaaliya iyo warbixinnada la xiriira handadaada lagu haayo dadka doonaya in ay isu sharaxaan Xildhibaanimada iyo kuwa doonaya in ay ka mid noqdaan ergada doorashada.

Beesha Caalamka waxaa ay niyad jab sidoo kale ka muujiyeen dib u dhaca doorashada aqalka hoose, kaas oo lagu wadey in uu bilowdo October 23-keeda sida ku qornaa jadwalka doorashada dadban ee sanadkan.

Beesha Caalamka waxaa ay kooxaha khuseyso doorashada ku dhiirigelineysaa in ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo hufnaanta doorashada.

Beesha caalamka waxaa ay ku talisay in la dhowro qodobadii ka soo baxay shirkii madasha ee September 14,-ka kaas oo lagu heshiiyay ama la sheegay in la dajiyay anshaxa ilaalinta daahfurnaanta, hufnaanta iyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dadban.

Beesha Caalamka waxaa ay ku celiyeen taageerada ay siinayaan arrimaha doorashada iyagoo ku dhiirigeliyay murashaxiinta in ay cabashadooda u soo gudbiyaan guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Beesha Caalamka waxaa ay sheegtay in ay jiraan dowlad goboleedyo yar oo diyaar u ah doorashada in ay qabtaan balse inta badan maamullada iyo xitaa beelaha Soomaaliyeed aaney weli u diyaar saneen doorashada, waxaa intaa dheer kuraastii haweenka oo aan gacan lagu heyn.

Beesha Caalamka waxaa ay u sheegeysaa madaxda madasha iyo guddiyada doorashada dadban in ay hubiyaan qoondada haweenka waa haddii odoyaasha dhaqanka ay arrinkaas ku guul-dareystaan.

Maamullada jira iyo kuwa dhismaya waxaa lagu booriyay in ay odoyaasha  kala qeyb-qaataan xallinta khifaadka murashaxiinta Xildhibaannada iyo ergada doorasho iyo sidii beelaha iyo jilibyada u heli lahaayeen xuquuqdooda oo dhameystiran.

Madasha hoggaanka qaran waxaa lagu booriyay in ay hubiyaan sidii ay ku qabsoomi laheyd doorashada aqalka hoose sidii iyo waqtigii loogu talogalay.

Ugu dameyntii ergeyga xogeyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya waxaa uu leeyahay doorashada waxaa ay soo gaartay waqti xasaasi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay tahay in ay go’aamiyaan aayahooda, isagoo ka digay wax walbo oo car-qaladeyn kara doorashada sida in la handado murashaxiinta iyo ergada loo geysto iyo in la lacag iyo laaluush lagu bixiyo doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya.