U bood dhigaalka

Booliiska Baardheere: Waxaan Qarxinnay Miino Lagu Aasay Meel Lagu Shaaho

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka booliiska ee degmada Baardheere ayaa sheegay iney qarxiyeen Miino lagu aasay goob lagu shaaho oo degmadaasi ku taalla.

Maxamed Axmed Xasan, taliyaha saldhigga Booliiska degmada Baardheere oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Miinadan loogu talogalay in waxyeello lagu gaarsiiyo dadka shacabka ah, balse ay iyagu ka hortageen.

Wuxuu tilmaamay in ay heleen xogta ah Miinada meesha ku aasan sidaasidana ay howlgallo ay sameeyeen kadib ku guuleysteen iney gabi ahaamba miinada bixiyaan kadibna ay qarxiyeen.

“Nimankaan nabad diidka ah ayaa Miinada ku aasay meel shacabka ku shaaho waxay doonayeen iney shacabka laayaan, laakiinse annaga ayaa ku guuleysannay, waan saarnay kadibna waan qarxinnay” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in amniga degmada Baardheere yahay mid la isku haleyn karo, ciidankana ay habeen iyo maalin wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Dhowr jeer sidan oo kale ciidamada Booliiska howlgallo ay ka sameeyeen degmada Baardheere waxay ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan Miinooyin lagu aasay waddooyinka degmadaasi.

Goobjoog News