U bood dhigaalka

Cadaado: Booliiska Oo Qabtey Dhallinyaro Ku Eedeysan Burcadnimo

Sheeko:Dalka

Taliye ku xigeenka saldhigga Booliiska ee degmada Cadaado Cumar Macallin Cali oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi ay kusoo qabteen 8 dhallinyaro ah oo ku eedeysnaa iney sameeyeen falal amniga wax u dhimaya.

Waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka iney baadigoob ugu jireen 18 dhallinyaro ah oo dhammaantood lagu eedeeyey dhigashada Isbaaro iyo xatooyo, wuxuuna hoosta ka xarriiqey iney ku raad joogaan 10-ka kale.

“Waxaan soo qabannay 8 qof oo si gaar ah u raadineynay, waxay ahaayeen 18 nin oo ku eedeysnaa dhammaan burcad dhigatay jidgooyo, tuugonimo, anshax xumo iyo Isbaaro dhigasho, waxaan weli ku raad joognaa 10-ka kale, kuwa aan soo qabannay waxaan kasoo qabannay meel ku dhow gelinsoor” ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Sidoo kale taliye ku xigeenka saldhigga Booliiska Cadaado ayaa sheegay in marnaba aaney aqbali doonin dhibaato la gaarsiiyo dad shacab ah iyo sidoo kale in jidka loo galo dadka safarka ah.

Ciidamada Booliiska degmada Cadaado ayaa mararka qaar sameeya howlgallo ay ku sugayaan amniga, ayna kaga hortagayaan kooxaha dhigta isbaarooyinka sharci daradda ah.

Goobjoog News